Sign in to follow this  
Jacaylbaro

FARDUS DIRIR, THE FIRST SOMALI ENGLISH POET

Recommended Posts

DSCF1194.JPG

 

SDWO (Hargeisa 21/06/08) Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyay Farduus Siciid Dirir oo ah hal-abuurad cusub oo tirisay todoba Gabay oo lix ka mid ahi ay yihiin Ingiriisi, halka Gabayga kalena ahaa Soomaali ayaa xalay lagu qabtay Hotelka Imperial ee magaalada Hargeisa. Munaasibadan o ay suuragelisay dalada dhalinyarada ee SONYO waxaa ka soo qaybgalay abwaano ay ka mid yihiin Wasiir-ku-xigeenka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cali Sheekh Cabdi (Aadami), Abwaan Aadan Tarabi, Axmed Aw Geedi, Cabdi Muxumed Aamin iyo xubno ka socday Hay’adaha dalka ku sugan, ardayda dhigatada Jaamacadaha dalka, ururada dhalinyarada iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

 

Agaasimaha dalada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Maxamed Axmed Maxamuud (Barwaani) oo isagu furay munaasibada ayaa ka hadlay hawlaha kala duwan ee daladu u qabato dhalinyarada, isagoo sheegay inay dhalinyarada u qabato doodo kala duwan oo ay aad uga shaqeeyaan horumarinta dhalinyarada Somaliland. Agaasimuhu waxa uu hambalyo iyo dhiiri-gelinba u soo jeediyay Farduus Siciid oo dedaal kartiyeed oo qiima gaara inoo leh muujinaysa, ayuu yidhi Agaasimuhu waxaana uu intaa ku daray inay arrintani tusaale fiican u noqon karto gabdhaha kale ee reer Somaliland, inay soo bandhigi karaan fikradooda iyo dareenkooda waxaana uu ballanqaaday dalad ahaan inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan dhalinyarta. Barwaani waxaa kale oo uu ka hadlay horumarka ballaadhan ee dhalinyaradu ka gaadheen dhinacyada Waxbarashada, Siyaasadda iyo dhaqaalaha marka loo ego wakhtiyadii hore.

 

Abwaan Aadan Tarabi oo ka mida Abwaanada Waaweyn ee reer Somaliland oo Xafladaasi hadal dheer ka soo jeediyey ayaa waxa uu sheegay in haweenku bud-dhig u yihiin Suugaanka Soomaaliyeed,

 

“Haweenku waxay ahaayeen kuwa tiriya hees hawleedyada, heesaha Xoolaha [Riyaha, Idaha], waxay ahaayeen qaar heeso u tiriya barbaarinta Ubadka, waxa kale oo ay heeso u tiring jireen Haanta, marka laga reebo heesaha Geela oo ay raggu la haayeen, inta kale waxa iska lahaa Haween” ayuu yidhi Abwaan Tarabi.

 

Farduus Siciid Dirir waa gabadh da’ ahaan aan ka weyneyn 25 jir isla markaana noqonaysa gabadhii ugu horeysay ee reer Somaliland ah oo ku gabayda luuqad aanay u dhalan oo ah Ingiriisi, gabayada ay Farduus halkaa ka tirisay waxaa ku jiray gabay ay u tirisay abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waxa kale oo ay ammaan u soo jeedisay Boobe Yuusuf Ducaale, iyo mid kale oo ay si gaara ugu amaantay eedadeed oo madasha ku sugnayd isla markaana soo korsatay Farduus. Sida lagu xusay taariikh nololeedka Farduus waxa ay bilowday hal-abuurnimada iyada oo todoba sano oo qudha jirtay.

 

Gabayada ay Farduus Siciid ku tirisay luuqada Ingiriisiga Waxay kala ahaayeen, 1. Somaliland My Life And My Future, 2). All Lifes To You, 3). Education, 4). My Sweat Aunty, 5. Life 6). Lonely.

 

Geba-gabadii xafladaas waxa ay halkaasi shahaadooyin ku guddoonsiisay Farduus dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, Hargeisa Readers Club, University of Hargeisa gaar ahaan advanser-keedii gabayada la diyaariyay, Boobe Yuusuf Ducaale, eedadeed Luul Dirir iyo Deeqa Xassan Axmed.

 

 

DSCF1214.JPG

DSCF1285.JPG

DSCF1290.JPG

DSCF1215.JPG

DSCF1189.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

^^^^Loool. She is the first in HArgisa! maxa kaa gale?

 

JB: There is a guy who has a book out already.

 

I like her hijab style. Tall women look good in hijabs. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by Naxar Nugaaleed:

i love how Somalis like to be the first Somali anything. for the record, i am the first Somali walker.

waar ninyow nin xanaaqsan ayaad tahay. Ma qosle abu lugeeye ayan ku bixiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa meeqa mitir gabdhu. (gabdhii dheerayd iyo ninkii gaabnaa ee is aroosey baa ugu doo dacay. Up and down)

 

This guy I know from Hargasa, He pronounces 13, Like Teedhiin, Foodhiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

War magaca ha nooga cayaarin. waryaa magac baan kuu hayaa: KHAYR-ALASII. tolkaan iyo tusbaxa aad ku wareegeysid iska dhaaf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this