Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalkii Carbeed Ee Ugu Horreeyay Oo Oggolaaday Kaniinka Kordhiya Dareenka Haweenka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaahira)-Iyadoo dalka Masar uu noqonayo dalkii ugu horreyay ee Carab ah ee meelmariya soo saaridda iyo ka ganacsiga daawada kordhisa dareenka haweenka, ayaa weriyaha BBC-da Sally Nabil waxay u kuur gashay in dawadaasi ay suuq ka leedahay dalkaasi shacabkiisu dhaqanka ku dhagan yahay.

“Waxaan dareemay dawaqsanaan, wadnahayguna aad buu u garaacmayay”

Waa sida ay Leyla dareentay kaddib markii ay qaadatay kaniinkii ugu horreeyay, oo loo yaqaanno flibanserin.

Isticmaalka daawada ayaa markii ugu horreysay laga oggolaaday Mareykanka saddex sano kahor, haatanna shirkad farmashi ayaa ku sameysa gudaha Masar.

Leyla – ma aha magaceeda saxda ah – waa haweeney gurijoog ah oo ku jirta da`da soddomeeyada. Waxay doorbideysaa inay is qariso sida haween badan oo Masar ku nool oo kale, ka hadalka dhibaatooyinka galmada iyo baahida la xidhiidhaba weli wax aad looga xishoodo ayay ka tahay dalkaasi.

Kaddib ku dhowaad muddo toban sano ah oo la qabay, waxay go`aansatay inay daawadaasi tijaabiso.

Leyla, oo aan qabin wax dhibaato caafimaad ah, ayaa soo iibsatay daawada iyadoo aanu dhakhtar u qorin – tan oo dhaqan caadi ah ka ah Masar, halkaas oo ay dadku iska soo iibsadaan daawada.

“Qofka farmashiyaha iibinayay wuxuu ii sheegay inaan kaniinka qaato habeen walba muddo dhowr toddobaad ah. Wuxuu ii sheegay in aanu wax dhibaato ah lahayn,” ayay tidhi Leyla. “Seygeyga iyo aniguba waxaan dooneynay inaan aragno waxa dhici doona. Hal mar baan isku dayay, dib dambana uma qaadan doono.”

Furriinka ayaa aad ugu badan Masar, warbaahinta gudaha qaarkood ayaana arrintan ku sababeeyay inay tahay dhibaatooyin dhanka galmada ah ee lammaanayaasha u dhaxeeya.

Shirkadda soo saarta daawada flibanserin ayaa sheegtay tobankii haween ee Masar ku noolba uu saddex ka mid ah dareenkoodu hooseeyo. Balse tiradaasi waa uun qiyaas – in tiro sax ah laga helo dalkaasi aad bay u adag tahay.

“Daawadan aad baa halkan looga baahnaa – waa horumar,” ayuu yidhi Ashraf Al Maraghy oo wakiil ka ah shirkadda.
Maraghy ayaa sheegay in daawadu aysan wax dhib ah lahayn isla markaana ay waxtar leedahay, wuxuu xusay in dawaqsanaantu ay suuli doonto muddo kaddib – balse farmashiistayaal iyo dhakhaatiir kale kuma raacsana arrintaasi.

Farmashiiste aan la hadalnay ayaa ka digaya in kaniinka uu hoos u dhigo cadaadiska dhiigga, wuxuuna qabaa inuu u daran yahay dadka qaba dhibaatooyinka wadnaha iyo beerka la xidhiidha.

Murad Sadiq, oo farmashi ku leh waqooyiga Qaahira, ayaa sheegay inuu mar walba macaamiishiisa u sharxo dhibaatooyinka uu leeyahay kaniinka, balse ay ku adkeystaan inay iibsadaan.

“Qiyaastii 10 qof ayaa maalintii ibsada kaniinka. Badankoodna waa rag. Haweenku aad bey uga xishoonayaan inay ku weydiiyaan.”

‘Wax walba waa maskaxda’
Gudaha farmashiga Sadiq, waxaan ku xardhan xayeysiis loo sameeyay kaniinka flibanserin oo loogu magac daray “kaniinka basaliga ah”. Waa nooca haweenka loogu talo galay oo la mid ah “kaniinka buluugga ah” – waa magaca kaniinka kordhiya dareenka ragga looga yaqaanno Masar .

Balse shirkadda ayaa sheegtay inay qalad tahay in la adeegsado erayga “female Viagra” oo loola jeedo kaniinka kordhiya dareenka haweenka. “Warbaahinta ayaa magacaas la timid, annaga maaha,” ayuu yidhi Maraghy.

Halka kaniinka Viagra ee ragga loogu talogalay kordhinta dareenkooda, flibanserin wuxuu ka hortagaa walbahaarka wuxuuna xoojiyaa dareenka haweenka isagoo isku dheellitiraya kiimikada maskaxda ku jirta.

“Female Viagra’ waa eray marin-habaabin ah,” ayay tidhi Heba Qotb, oo ah dhakhtarad arrimahaasi ku takhasustay, waxayna diidday inay isticmaalka kaniinkaasi kula taliso bukaannadeeda.

“Waxba kama tarayo haweeney ay haysato dhibaato maskaxeed iyo mid jireedba,” ayay tidhi.

“Haweenku, wax walba maskaxdooda ayay la xidhiidhaan. Haweeneydu xidhiidh galmo oo caafimaad qaba lama wadaagi karto seygeeda haddii uu si xun ula dhaqmo. Wax daawo ah oo arrintaasi wax ka taraya ma jirto.”

Heba Qotb ayaa sheegtay in waxtarka flibanserin uu aad u yar yahay, isla markaana aysan mudneyn in halis la isku geliyo. “Inuu hoos u dhigayo cadaadiska dhiigga waa dhibaato weyn oo khatar ah,” ayay ka digtay.

Haweenka Masar weli uma dhowa inay si saraaxad leh uga hadlaan arrimaha la xiriira galmada.

Leyla waxay sheegtay inay garaneyso haween badan “oo furriin dalbaday kaddib markii xiriirkooda galmo uu xumaaday sababo la xiriira dhibaatooyin ku gedaaman guurkooda”.

“Haddii uu seygaaga daciif yahay, waad caawineysaa daaweyn caafimaad ayaadna la raadineysaa, haddiiba uu yahay sey wanaagsan. Balse haddii uu yahay qof xun, waad ka xiiso dhaceysaa, xitaa haddii uu sariirta ku wanaagsan yahay. Raggu uma muuqdaan kuwo arrintan fahmaya.”

Inkastoo weli lagu jiro maalmihii ugu horreeyay, Sadiq ayaa sheegaya in iibka kaniinka uu wanaagsan yahay wuxuuna aaminsan yahay inuu sare u sii kici doono.

Balse Heba Qotb, oo ah dhakhtarad arrimaha galmada ah, ayaa ka walaacsan dhibaatooyinka ka dhex jira lammaanaha is qaba.

“Markii uu nin dareemo inaysan waxba ka soo naaso caddeyn xaaskiisa, iyadoo xitaa qaadaneysa kaniinka, iyada ayuu eedeynayaa, ee ma eedeynayo waxtar la`aanta kaniinka amaba xiriirkooda xun. Wuxuuba xitaa tan u arkaa fursad uu ku xumeyn karo.”
BBC Somali

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this