Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhawaad 80 ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay J/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  dagaal culus oo saaka ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa ku bilowday weerar Al Shabaab ay ku qaadeen fariisin Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyhiin gudaha deegaankaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ku dhawaad 80 ka tirsanaa Al Shabaab lagu dilay dagalkaasi oo saacado badan qaatay.

Sidoo kalena la fashiliyay Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kadib markii ay gacanta ku dhigeen Ciidamada huwanta.

Al Shabaab ayaa dhankooda dagaalkaasi guulo ka sheegtay, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi iyo dagaalka xigay ay ku dileen 41 Askari, islamarkaana ay gabi ahaan la wareegeen deegaanka Baarsanguuni.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dha dhaqaaqyo iska soo hor jeeda laga dareemayo duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

The post Ku dhawaad 80 ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay J/Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this