Deeq A. Posted January 19, 2019 Jidda ( Sh. M. Network )-Muwaadin Soomaali ah oo ku noolaa dalka Sacuudiga ayaa la sheegay in uu iska soo tuuray dhismo dheer oo ka kooban 5 Dabaq, kaas oo ku yaalla magaalada Jidda ee dalkaasi. Muwaadin Sacuudiyaan ah oo marayay halka uu Meydka yaallo ayaa ku wargeliyay hay’addaha ammaanka kuwaasi oo soo gaaray goobtaasi. Ciidan Roondo ah oo ka tirsan Booliska degmada Samiir iyo Ciidanka Difaaca Maddaniga iyo Kooxaha ku takhasusay Dambi-baarista ayaa gaaray goobta uu yaallo Meydka, waxayna uruuriyeen dhamaan wixii macluumaad ah oo ku saabsan qaabka uu Ninkaasi isaga soo tuuray Dhismahaasi. Booliska Sacuudiga ayaa bilaabay baaritaanka sababaha uu Ninkan Soomaaliga isaga soo tuuray Dhismahaasi, iyadoo Meydka Marxuumka la dhigay Isbitaal ku yaalla Jidda, sida uu qoray Wargeyska Gulf Digital Online ee ka soo baxa dalka Baxrayn. Dhacdadani ayaa ah mid ku cusub dhagaha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sacuudiga, kuwaas haatan si weyn u hadal haya geerida ku timid Muwaadinkaasi. The post Muwaadin Soomaaliyeed Oo isku dilay dalka Sacuudiga appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites