Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo laga dalbaday in ay dib u soo celiso qaxootiga Dhadhaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi ( Sh. M. Network )-Xildhibaan  ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa dowladda ugu baaqay in dalkooda dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ee ku sugan dalkaasi

Dhadho Godana oo laga soo doorto magaalada Tana River ee dalka Kenya ayaa sheegay in qaxootiga Soomaalida ay halis ku yihiin ammaanka dalkaasi.

Waxaana uu soo jeediyay in Soomaaliya ay ka jirto dowlad, isla markaana ay wanaagsan tahay xaaladda ammaan ee Soomaaliya

Mudanahaasi ayaa xusay in haddii qaxootiga Soomaalida ee ku nool gudaha Kenya ay dib ugu noqdaan dalkooda uu isbedal ku imaan lahaa ammaanka dalkaasi.

Mr Dhadho ayaa sheegay in qaxootiga Soomaalida ay leeyihiin xuquuq, balse waxaa uu xusay in la joogo xilligii dib loogu soo celi lahaa dalkooda.

Dowladda Kenya ayaa sanadkii 2013-kii amar ku bixisay in ay xireyso Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ay ku nool yihiin  nus malyuun qaxooti Soomaali ah.

The post Kenya Oo laga dalbaday in ay dib u soo celiso qaxootiga Dhadhaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this