Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbaarooyin hor leh Oo la soo dhigay Shabeelaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad ( Sh. M. Network )-Isbaarooyin hor leh ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay la soo dhigay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Darawallada gaadiidka isticmaala waddadaasi ayaa sheegay in  acago fara badan oo sharci darro ah looga qaado Jidgooyooyinkaasi.

Sidoo kalena jirdil iyo handaad xoogan ay kala kulmaan kooxahaasi oo ku labisan dareeska Ciidamada dowladda.

Dhawaan ayey aheyd markii Ciidamo uu horkacayay abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka ay Isbaarooyin dhowr ah ka qaadeen waddada xiriirisa Muqdisho iyo Sh/Hoose.

The post Isbaarooyin hor leh Oo la soo dhigay Shabeelaha Dhexe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this