Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 80 dagaallame oo Al-shabaab looga dilay duqeyn cirka ah

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 80 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta lagu dilay duqeyn ka dhacday inta u dhexaysa tuulooyinka Araare iyo Muuse Xaaji ee gobolka Jubada Hoose.

Diyaaradaha dagaalka Maraynkanka ayaa duqeyn culus la beegsaday malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka qeyb qaatay dagaal ay  saaka degaanka Baar-sanguuni kula galeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubaland sida ay sheegeen saraakiil ciidan.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa  iska caabiyay weerarka Al-shabaab inkastoo uu jiray khasaare kala gaaray labada dhinac hase yeeshee dhimashada ugu badan ee Al-shabaab ayaa ka dhalatay duqeynta ay diyaaradaha dagaalka la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen malayshiyaadku.

Diyaaradaha Maraykanka ee duqeynta geystay ayaa la sheegayaa in ay gurmad u ahaayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ee saaka lagu weeraray Baar-sanguuni balse dowladda Maraynkanka ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin duqeynta halkaasi ka dhacday.

aaaa.jpg?resize=960%2C540&ssl=1 bbbb.jpg?resize=960%2C540&ssl=1 ddd.jpg?resize=960%2C540&ssl=1 eeee.jpg?resize=960%2C540&ssl=1

PUNTLAND POST

The post In ka badan 80 dagaallame oo Al-shabaab looga dilay duqeyn cirka ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this