Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaalida dalka Itoobiya oo ka dibadbaxay shacab laga laayey + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (Caasimada Online) – Waxaa magaaladda Jigjiga iyo meelo kale oo kamid ah Ismaamulka Soomaalida Itoobiya isagu soo baxay boqolaal dadweyne kuwaasoo ka banaanbaxay dhib ay sheegeen in lagu hayo Soomaalida kunool dhulka hoostaga Ismaamulka Canfarta ee dalka Itoobiya.

Shacabka Soomaaliyeed in ee kuhool nool Maamulka Qawmiyadda Canfar ayaa caburin iyo gumaad kala kulmay Ciidamadda Liyuu Police ee Maamulkaas.

Ciidamaddaas Liyuu Police ee Ismaamulka Canfarta ayaa waxay dad badan ku dileen Magaalooyinka Cadayti, Cundhufo, Garba Ciise, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkaasi oo banaanbaxa ka qeyb galay.

“Shacabka waxay aad uga caraysnaanayeen in Ciidamadda Federal oo ka agdhowaa meelaha dadka lagu laayey aysana waxba u qabanin dadkii dhibka loogaystay. Waxayna Ciidamada ugu baaqeen in ay dhowr Xuquuqda Aadanaha, Fuliyaana waajibaadka Dastuurka kaasoo amraya in Ciidamada Federalka ilaaliyaan Amniga dadweynaha” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha.

Shacabka banaanbaxay ayaa waxay ugu baaqeen Maamulka deegaanka Soomaalida iyo waliba shacabka Soomaaliyeed in ay caawimaad u fidiyaan Soomaalida lagu laayey ismaamulka Canfarta.

Ugu dambayntii,  Shacabka banaanbaxayey waxay dawladda Federalka ka dalbadeen in ay ilaaliso Dastuurka, siddoo kalena gudi dhexdhexaada arinka u magacowdo si arinka xal looga gaaro.

Waxay ahayd Sanadkii 2014  oo dhul ay Soomaalidu leedahay la hoosgeeyey Ismaamulka Anfarta iyaggoon wax wadda tashi ah laga samaynin shacabkii u dhashay deegaan, Ciidamadda Liyuu police ee Ismaamulka Zcanfarta ayaa bilaabay in dadka ka soo cayriyaan dhulka, walina majirto cid ka hadashay dhibaatadda shacabka lagu hayo.

IMG-20190118-WA0017.jpg IMG-20190118-WA0016.jpg IMG-20190118-WA0015.jpg IMG-20190118-WA0014.jpg IMG-20190118-WA0013.jpg IMG-20190118-WA0011.jpg IMG-20190118-WA0010.jpg IMG-20190118-WA0009.jpg IMG-20190118-WA0008.jpg IMG-20190118-WA0006.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this