Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo shaacisay in khasaarihii ugu xooganaa ee dhimasho uu Shabaab gaaray + Tirada + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar waaberigii saaka ka bilowday deegaanka Baar Sanguuni oo ciidamada Jubbaland ay saldhig ku leeyihiin.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, kadibna waxaa xigay in xubno ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galaan saldhiga Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Warbaahinta ku hadashada afka maamulka Jubbaland ayaa iyada oo soo xiganaya Saraakiisha Ciidamada Maamulkaasi, waxa ay baahisay in Dagaalyahanadii Shabaab ka tirsanaa ee soo weeraray saldhigooda ay khasaare xoogan gaarsiiyeen.

“Shabaab waxaa weerarkii saakay kaga dilnay 73 askari waxaana sidoo kale ka fashilinay oo aan ka hor tagnay gaari kale oo walxaha qarxa ay kasoo buuxiyeen, waana qarxinay gaarigaai ugu dambeyn” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka Maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku shaaciyeen in saakay deegaanka Baar-Sanguuni la wareegeen,isla markaana ay qabsadeen Saanad Millateri oo halkaasi yaallay.

50521811_2013838915395294_63444812496245 1-87-750x430.jpg 4-4.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this