Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war culus kasoo saartay weerarkii Baar Sanguuni iyo ‘tirada askarta ay ku dishay’

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerarkii ay ku qaaday sakldhigga Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, oo ay ku sugnaayeen ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

War ka soo baxay taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Shabaab ay si buuxda ula wareegeen xerada, ayna halkaas ku dileen ugu yaraan 41 askari.

Al-Shabaab waxa ay sheegtay in weerarka ay ku bilowday qarax aad u xoogan oo ka dhacay bartamaha Xerada, kadibna ay ciidamo hubeysan ay ku daateen saldhigga, kuwaas oo, sida ay sheegtay laayey ciidamadii ka bad-baaday qaraxa.

Warka Al-Shabaab ayaa ka duwan kan maamulka Jubaland.

Warbaahinta ku hadashada afka maamulka Jubbaland ayaa iyada oo soo xiganaya Saraakiisha Ciidamada Maamulkaasi, waxa ay baahisay in Dagaalyahanadii Shabaab ka tirsanaa ee soo weeraray saldhigooda ay khasaare xoogan gaarsiiyeen.

Jubaland waxa ay sheegtay in 73 askari oo Shababab ah dileen, islamarkaana ay sidoo kale ka hortageen gaari kale oo walxaha qarxa ay kasoo buuxiyeen.

Sarkaal u hadlay Al-Shabaab ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada ka bad-baaday weerarka oo isku dayey in ay u baxsadaan dhanka Buula-Gaduud iyaguna lala eegtay qarax gaari oo lagu diyaariyey wadada dhinaceeda.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this