Deeq A. Posted January 19, 2019 Bu’aale (Caasimadda Online) – Warbaahinta ku hadasha Afka ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in ciidamada xoogga Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay duqeymo ka fuliyeen Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhaxe. Duqeynta ayaa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Wariyaal u shaqeeya Al-Shabaab. General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) Taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in ciidamada xoogga iyo kuwo Mareykan ah weerar duqeyn iyo mid dagaal ka fuliyeen gudaha Magaalada Bu’aale ee Jubbada dhexe. Sidoo kale General Bogmadow ayaa waxaa uu sheegay in weerarka uu si gaar ah kaga dhacay xarunta Idaacada Andaluus oo ku hadasha Afka Al-shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 15 Xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo Afar wariyaasha Al-shabaab ah, islamarkaana Qalabkii Idaacadaas lagu bur buriyay weerarka duqeynta iyo dagaalka isugu jiray, sida uu hadalka u dhigay. Saraakiisha Militariga ma sheegin magacyada Wariyaasha iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab loogu dilay Duqeynta ka dhacday Magaalada Bu’aale ee Jubbada dhexe. Ma jiraan weli Wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab, kaasi oo ay kaga jawaabayaan hadalka ka soo yeeray Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites