Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaas iyo Deni midkee u roonaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Waa cusub ayaa u baryey 8 January ee sanadkaan dowlad Goboleedka Puntland kadib markii Madaxeyne loo doortay Siciid Cabdullahi Deni.

Deni ayaa booska ka badalay Cabdiweli Gaas oo horey u ahaa Madaxweynaha Puntland kaasoo xiriirka u jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Haddaba su’aalaha ugu badan ee la is waydiinayo ayaaa ah midkee u roon Dowladda Federaalka Soomaliya Cabdiweli Gaas iyo Deni?

Dadka sida weyn u garanayo Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegayo inuu yahay nin siyaasad ahaan adag isla markaasna lagu tuhmayo inuu xiriir dhow la leeyahay Xisbiga Xasan Shiikh Maxamed.

Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online Deni ayaa qorsheenayo inuusan xiriir toos ah la yeelan Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna uusan muujin dabacsanaan siyaasadeed.

Maalintii la doortay ayuu BBC u sheegay inuu sii jiri doono Iskaashigii Maamul Goboleedyada ayna tahay arrin dastuuri ah oo aan marnaba laga gudbi doonin.

Taas ayaa banaanka soo dhigtay siyaasadda cusub ee uu Deni kala hortagi doono Dowladda Federaalka Soomaliya waxayna taas muujisay in Dowladda Dhexe looga adkaaday loolankii siyaasadeed ee Puntland.

Cabdiweli Gaas ayaa la aaminsan yahay inuu siyaasad ahaan u fiicnaa Dowladda Soomaaliya maadaama uusan la safneyn siyaasiyiinta ku kacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna uu ahaa Siyaasi danley ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa meel cidlaa kusoo dhacday waxayna ka shaqeysay sidii Cabdiweli Gaas meesha looga saari lahaa balse waxaa usoo baxday natiijo middii hore kasii daran.

Dadka sida weyn u garanayo Deni ayaa sheegayo inuu Deni yahay nin ad adag waxaana lagu xasuustaa inay iska dhaceyn isaga iyo Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud markaas oo loo diiday Wasiir uu doonayo in loo magacaabo.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this