Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Baar-sanguuni Ee J/hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo saakay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Sidey inoo xaqiijiyeen saraakiil xoogga dalka ah, Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaddey fariisin ciidanku ku leeyihiin deegaankaasi.

Saddex gaari oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayeey Al-shabaab ku bilaabeen weerarkooda, iyadoo saraakiisha DFS ay sheegeen in qaraxyadaasi ka hortageen.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, iyadoo xaaladda hadda ay tahay midda aad u deggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this