Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Ka Warbixiyey Dagaalkii Baar-sanguuni

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal saakay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Abaanduulaha Qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Maxamed Ibraahim Buulle oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Al-shabaab islamarkaana ay khasaare soo gaarsiiyeen….

Waxa uu tilmaamay in ay ka hortageen Saddex gaari oo ismiidaamin ah, islamarkaana ciidamada ay rasaas ku qarxiyeen.

Sidoo kale, waxa uu sheegay Abaanduulaha in ay dileen 7 ka mid ah Al-shabaab, dhankoodana ay Labo askari ka geeriyootey.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREYSI-ABAANDUULAHA-QEYBTA-43-AAD-EE-CIIDANKA-XOOGGA-DALKA-GAASHAANLE-SARE-MAXAMED-IBRAAHIM-BUULLE.mp3

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this