Deeq A. Posted January 19, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa maanta ku dilay gudaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Daawada laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Dilkan ayaa yaa yimid, kadib markii rag ku hubeysnaa Bastoolado ay weerareen marxuumka oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamuud Nuur Abiikar. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daaraya in qof ka kale ee la dilay uu la socday marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray meesha ay wax ka dhaceen ayaa baaritaano ka sameeyay halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Howlwadaag oo ku aadan dilkaasi. Shalay ayey aheyd markii guddoomiyaha dhalinyarada Hodan lagu dhaawacay gudaha degmadaasi, kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawac ahaan. The post Rag hubeysan Oo Guddoomiye Waaxeed ku dilay Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites