Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland Oo qaraxyo ku qabtay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso( Sh. M. Network )-Laamaha ammaanka ee Puntland ayaa soo bandhigay qaraxyo ay ku qabteen gudaha suuqa weyn M/  Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamada amniga ayaa sheegay in ay fashiyeen isku day lagu doonayay in lagu dhibaateeyo, sida ay tilmaameen shacabka ku ganacsada suuqaasi.

Guddoomiyaha degmada Boosaaso C/salaan Bashiir C/salaan oo ku sugnaa goobta ay Ciidamadu ku soo bandhigayeen qaraxyadaasi ayaa sheegay in ay baari doonaan shaqsiyaadka ku lugta lahaa falkaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Ciidamadu ay heegan ugu jiraan ilaalinta amniga shacabka Boosaaso.

Lama oga cida ku lugta leh walxahan qarxa, balse Al Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan sheegta falalka noocaan oo kala ah ee ka dhaca deegaanada Puntland.

The post Ciidamada Puntland Oo qaraxyo ku qabtay magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this