Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo ku raad joogto Haweeney ku lug laheyd weerarkii Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi ( Sh. M. Network )-Saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay ku raad joogaan Maryan Cabdi oo la rumeysan yahay in dowr muhiim ah ay ka qaadatay weerarkii dhawaan Al Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka DusitD2 M/ Nairobi ee dalkaasi.

Haweeneydan ayaa la sheegay in hub ay u geysay Raggii fuliyay weerarkaasi oo dhacay  Talaadadii la soo dhaafay.

Ciidamada ayaa haatan ka baadi goobaya Haweeneydaasi magaalooyinka Bandoni iyo Mombasa, halkaasi oo la rumaysan yahay in ay ku sugan tahay.

Sidoo  kale sirdoonka Kenya ayaa sheegay in Haweeneydani ay ka timid degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo la rumeysan yahay in weerarka laga soo abaabulay.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda wararkaasi, waxaana ay tilmaameen in ay uga jawaabayeen go’aankii Trump ee uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel.

The post Kenya Oo ku raad joogto Haweeney ku lug laheyd weerarkii Nairobi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this