Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog-culus:Magacayada 5-Eedeysane oo 2-Somali yihiin oo loo qabtay weerarkii Hotel Dusit2-Nairobi oo la soo bandhigay,Maxkamadna la soo taagay+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
dusitmaxkamad.jpg?resize=690%2C460

Waxaa  lasoo taagay maxkamad ku taal magaalada Nairobi shan ruux oo kenyaati ah kuwaas oo lagu eedeeynayo in ay xidhiidh la lahaayeen weerarkii maalmo ka hor ka dhacay hotelka Dusit D2 ee magaalada Nairobo ee caasimadda dalka Kenya.

Shantan ruux ayaa waxaa ku jira labo ruux oo asal ahaan soomaali ah, balse Kenya kasoo jeeda, waxaana lagu kala magacaabaa

Joel Ng’anga Wainaina,

Oliver Kanyango Muthee,

Gladys Kaari Justus,

Guleid Abdihakim iyo

Osman Ibrahim (Canadian) .

Ruux ka mid ah ayaa waxaa uu haystaa dhalashada dalka Canada, sida ay baarayaashu xaqiijiyiin.

Madaxa dambi baadhista (The Director of Public Prosecutions) oo lagu magacaabo Noordin Haji ayaa maxkamada ka codsaday in eedeysanayaashan lagu hayo xabsi mudo 30 casho ah, si booliska iyo baadhayaasha kiiska si ay xog iyo macluumaad dheeri ah u helaan.

Maxkamadda ayaa ku raacday, waxaana ay amartay in xabsi la dhigo eedeysanayaasha mudada 30-ka casho si baadhis dheeraad ah loou sameeyo.

Labo ka mid ah eedeysanayaasha oo asal ahaan soomaali ah ayaa waxaa laga soo kala qabtay maalinimadii Arbacada xaafadda ay soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh iyo Ruaka, waxaana saddexda kale laga soo qabtay magaalada Mombasa.

Dowladda Kenya ayaa waxaa ay sheegtay in dhammaan raggii weerarka ku qaaday hotelka ay ahaayeen Kenyati xidhiidh la leh Al-Shabaab.

Akhri Qoraal Rasmiya:-

dusit-paper.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this