Deeq A. Posted January 19, 2019 Ciidanka ammmaanka ayaa sheegay in jimcihii ay soo qabteen xubin ka tirsan amniyaadka kooxda Al-shabaab. Warkan oo ay hay’adda Nabad sugidda Qaranka ee NISA ku shaacisay boggeeda Twitter-ka, ayaa lagu yiri” Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay ayaa Ciidamada Amaanku 18-ka bishaan, kusoo qabteen xubin hogaamiye u ahaa koox amniyaad ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho.” NISA ayaa barteeda inta badan ku qorta howl-gallada ay ka sameeyaan gudaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites