Sign in to follow this  
Deeq A.

Baaq Loo Diray Beello Ku Dagaallamaya Hirshabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ugu baaqay beello walaalo ah oo ku dagaallamaya deegaanno ka mid ah Hirshabelle iney nabadda qaataan oo xabadda ay joojiyaan.

Xildhibaan Nuur Xaashi warsame oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in dagaal beeleedyadaas wax faa’ido ah dadka aysan ugu jirin islamarkaana muhiim ay tahay in la joojiyo, isagoo tilmaamay in ay socdaan dedaallo ku aaddan  sidii loo dhammeyn lahaa.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in waxgaradka iyo sidoo kale madaxda Hirshabelle ay mas’uuliyad ka saaran tahay joojinta colaadahan.

Dagaalladan ka socda deegaanno ka mid ah Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayuu sheegay in hadda lagu mashquulsan yahay sidii xal nabadeed looga gaari lahaa.

Dagaal beeleedyo ayaa kusoo noq-noqday deegaannada Hirshabelle, iyadoo weli aanu jirin xal laga gaaray.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this