Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM Oo weerar madaafiic ah ka fulisay Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye ( Sh. M. Network )-Sida ay ugu warrameen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ilo deegaanka ah waxaa saaka Aroortii Ciidamada AMISOM ee ku sugan duleedka degmada Afgooye ay tiro Madaafiic ah ku Garaaceen deegaanno hoostaga duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa soo wariyay in ku dhawaad 10 Madfac ay ku kala dhaceen deegaanno ay ka mid yihiin Baladul Amiin , Yunbit, Sabiib Caanoole, Bangaleey.

Lama Oga sababta iyo Khasaaraha ka dhashay weeraradaasi Madaafiicda ah , xiliga oo Aoor hore ahayd awgeed ,  balse deegaanadaasi ayaa waxaa ka arrimiya dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa horay weeraro nuucaani ah waxa ay ugu qaadeen isla deegaanadaasi , kadib markii ay dareemeen dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay halkaasi ka sameeyeen Al Shabaab.

Ma jiro dhinacooda wax war ah oo illaa iyo haatan ay ka soo saareen Al Shabaab weeraradaasi ka dhanka ahaa saaka deegaanada ay ka arrimiyaan.

The post AMISOM Oo weerar madaafiic ah ka fulisay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this