Deeq A. Posted January 19, 2019 Baydhabo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay fuliyeen Rag la socday Mooto Bajaaj, kuwaas oo la sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxaana la sheegay in ay gacanta ku dhigeen tiro dad ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo saraakiisha amniga Koonfur Galbeed ay ka soo saareen qaraxaasi. Ammaanka Baydhabo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, iyadoona Ciidamada Boolisku ay howlgallo ka wadeen gudaha magaaladaasi. The post Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites