Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo maxkamad soo taagtay Rag loo heysto weerarkii M/ Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi ( Sh. M. Network )-Maxkamadda ku taalla Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la soo taagay illaa 5 qof oo lala xariirinayo in ay ku lug lahayeen weerarkii Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotel-ka DusitD2 oo ku yaalla galbeedka magaaladaasi.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa dalbatay in ay u baahantay waqti dheeraad ah oo ay ku soo dhameystirto eedeymaha loo heysto raggaasi muddo 30 cisho ah.

Eedeysanayaashani oo la sheegay in la xiray, kadib markii la soo gabagabeeyay weerarkii waqtiga badan qaatay ee Nairobi ayaa lagu kala magacaabaa Joel Nganga, Oliver Muthee, Osman Ibrahim, Gladys Kaari iyo Guleid Abdihakim, kuwaas oo la sheegay in laga soo qabtay xaafadahaa Eastleigh iyo Ruaraka oo ka tirsan magaaladaasi.

Dhinaca kale dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa walaac xoogan ka muujiyay weerarkaasi oo lagu dilay 21 qof , kaas oo masuuliyadiisu ay sheegatay Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Ganacsatada Soomaalida ee ku nool xaafadda Eastleigh ee Nairobi ayaa xiray ganacsidooda maalinimadii shalay, waxaana ay sheegeen in ay ka xun yihiin weerarkaasi.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya ayaa inta badan dareema walaac xoogan xilliyada weerarada lagu qaado gudaha dalkaasi.

The post Kenya Oo maxkamad soo taagtay Rag loo heysto weerarkii M/ Nairobi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this