Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA Oo shaacisay in la qabtay xubin ka tirsan Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdusho ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay hay’adda Nabad Sugida iyo Siroodnka Qaranka ayaa lagu sheegay in 18-kii bishan la soo qabtay xubin ka tirsan Xrakada Al Shabaab, kadib howlgal laga sameeyay magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo la soo dhigay bogga Twitter-ka ee NISA ayaa lagu shaaciyay in howlgal qorsheysabn lagu soo qabtay sarkaal sare oo Amniyaadka u qaabilsanaa Al Shabaab

”Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay ayaa Ciidamada Amaanku 18-ka bishaan, kusoo qabteen xubin hogaamiye u ahaa koox amniyaad ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay taliska NISA.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Ciidamada ammaanka howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ay ka wadeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

The post NISA Oo shaacisay in la qabtay xubin ka tirsan Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this