Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab Oo weerar ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in xalay weerar culus Al Shabaab ay ka fuliyeen gobolkaasi.

Weerarka mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday fariisin Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi.

Lama ooga illaa iyo hadda khaaaraha ka dhashay weerarkan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Al Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya ayaa had iyo jeer weeraro ka fuliya gobolladaais.

The post Al Shabaab Oo weerar ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this