Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal sare oo sirdoonka Al-Shabaab ka tirsanaa oo Muqdisho lagu qabaty

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay hoggaamiye sare oo ka tirsan sirdoonka kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in sarkaalka la qabtay uu madax u ahaa koox sirdoon ama amniyaat oo Al-Shabaab uga howl-gasha magaalada Muqdisho.

Sida qoraalka lagu yiri, sarkaalkan ayaa lagu qabtay “Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay oo ay ciidamada ammaanku ka fuliyeen Muqdisho 18-ka bishaan”

NISA ma aysan shaacin magaca sarkaalkan, mana bixin faah-faahin dheer ah oo ku saabsan qaabka loo soo qabtay. Kooxda Al-Shabaab ayaan sidoo kale, sida looga bartay, ka hadlin warka kasoo baxa NISA.

NISA ayaan inta badan shaacin, soona bandhigin muuqaallada xubnaha ay sheegto inay ka qabato kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this