Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka TANA RIVER oo isaga careysan qaatay go’aan ka dhan ah Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)- Guddoomiyaha gobolka Tana River ayaa qaatay go’aan ka dhan ah Soomaalida, kadib markii uu ka carooday weerarkii Al Shabaab ay ka geysteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha gobolka Tana river ee dalka Kenya ayaa ku amray Soomaalida ku sugan gobolkaasi inay isaga  baxaan dalka Kenya, gaar ahaan gobolka kadib markii uu ka carooday weerarkii ka dhacay Nairobi oo Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa.

Dhadho Kodhana, guddoomiyaha Tana River ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu hadda amaan yahay, islamarkaana uu ku amrayo Soomaalida inay dib dalkooda ugu laabtaan.

Wuxuu sheegay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya inay halis ku yihiin amaanka dalka kenya, waxaana uu sheegay in la gaaray waqtigii ay ku laaban lahaayeen dalkooda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidmada AMISOM ay wax badan ka qabteen xaaladda guud ee amaanka dalka Soomaaliya, isaga oo cadeeyay in hadalkiisa uusan ku wajahneyn dad gaar ah oo uu ula jeedo dhamaan SOomaalida ku nool dalka Kenya.

Marka laga yimaado in Al Shabaab sheegteen weerarka, waxaa dadka ugu badan ee weerarka ka dambeeyay ay ahaayeen dad u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo Al Shabaab ku biiray 2011 ilaa 2015.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this