Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheikh Kenyaawi oo taageero ka helay mucaaradka iyo DF oo balanqaad sameysay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib markii jimcihii Sheikh Kenyaawi uu kumanaan dad ah kula hadlay garoonka kubbadda cagta ee Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa kooxaha mucaaradka ee dhaliilsanaa marka hore waxay u muujiyeen taageero.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xubno kale oo ka tirsan Mucaaradka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan muxaadarada iscafiska ah ee uu Sheikh Kenyaawi Shalay ka jeediyay magaalada Muqdisho.

“Laba maalmood ka hor ayaan la kulmay Sheekha, waxaana ka muuqday daacadnimo iyo qalbi wanaag, iyo inuusan siyaasad gaar ah ama koox gaara toona uusan la qorshe ahayn”

“Waxaa Muhiim ah in “diiinteena islaamka” oo dadkeenu ay aaminsan yihiin oo kooxo ay ka mid tahay Alshabaab ay magac-dileen in la helo culimo kooxahaas ka Madax banaan oo u darban in diinta gacanta dadka Soomaaliyeed lagu soo celiyo, lana helo culimo dadku ay ku kalsoon yihiin oo wax u sheegi kara” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Dhinaca kale wasaaradda Diinta iyo awqaafka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay kordhin doonaan taageerada culumada Soomaaliyeed ee la hadlaysa shacabka magaalada Muqdisho oo u diyaarsan inay faham buuxa ka qaataan Diinta islaamka.

Wasiirka Diinta iyo awqaafka oo la kulmay Sheikh Kenyaawi ayaa mahad u celiyay, waxaana uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay sii wadi doonto muxaadarooyinka mashaa’iqda ka jeedin doonaan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this