Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Al Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhig Ciidan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilowday oo Al Shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidan oo ku yaala gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Al Shabaab weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo waaberigii saaka ka dhacay saldhiga.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay saacado kooban gacanta ku hayeen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni, waxaana weerarka uu ku bilowday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Waxaa adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay deegaanka Baar Sanguuni, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in khasaaro u badan yahay maadaama, gaari lagu bilaabay weerarka, kadibna rasaas lagu furay ciidamada Jubbaland.

Al Shabaab ayaa sidan oo kale sanadkii hore u weeray xeradan ciidanka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni, waxaana weerarkii hore ka dhashay khasaaro badan oo ciidamada Jubbaland kasoo gaaray weerarkaasi.

Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarada kaga yimid AL Shabaab, waxaana sarkaal u hadlay Jubbaland uu sheegay in Al shabaab ay khasaaro gaarsiiyeen.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this