Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil dhalnyaro British ah oo ku xidhan magaalada Hargeysa oo aan maxkamad ilaa hada la gaynin

Recommended Posts

Deeq A.   

abees.jpg

Waxa todobaadkani xabsiga magaalada Hargeisa loo taxaabay abwaan dhalinyaro ah oo
magaciisa la yidhaahdo Abdirahman Ibrahim Adam, oo haysta dhalashada UK.

Xadhiga Abdiraxmaan ayaa yimid kadib markii uu todobaadkii hore uu ka hadlay xaflad balaadhan oo dhalinyaradu isugu timid oo ka dhacday Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeisa, halkaasi oo uu dhaliil kulul uga soo jeediyay ciidanka Booliska ee Hargeisa siiba saldhiga degmada Koodbuur ee magaaladaasi, halkaasi oo uu sheegay xili lagu xidhay in uu ku soo arkay nolol argagax leh oo aanu marnaba filaynin.

Waxa uu sheegay in uu arkay haweenay lugta ay silsiladi kaga xidhantahay iyo caruur xabsiga dadka waaweyn kula xidhan.

Waxana uu goobtaasi ka tiriyay gabay aad u qiiro badan oo soo jiitay badiba dhagaha shicibka Somaliland.

Madaxda sare ee Booliska oo iyana Ka hadlay xadhiga abwaan Abdiraxmaan Adam ayaa sheegay in ay ku xidheen Abdiraxmaan Adan kicin shacab iyo hadalo aflagaadado iyo dacaayado xanbaarsan, hase ahaatee kama ay hadlin xaalada nololeed ee xabsiyada dalka gudahooda gaar ahaan saldhiga Booliska ee Koodbuur ee uu aadka uga dayriyay Abdiraxmaan Ibrahim Adam.

Dhanka kalana waxa jira dhaqdhaqaaq xoogan oo ay wadaan bahda fanka ee Somaliland ee ku sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa taasi oo loogu ololaynaayo sidii loo sii dayn lahaa abwaanka

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this