Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaaciyey inay hayaan meydadka 57 askari oo u dhashay dalka…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay 57 askari ka dileen ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah Amisom, meydadkana gacanta ku hayaan kadib weerar ka dhacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Baydhano iyo Buur-hakaba.

Weerarka oo ku bilawday qarax Miino oo ciidanka Itoobiya lagula eegtay aagga Buundo Madow ayaa haleelay gaari nuuca xamabaara ciidanka.

Waxay sheegeen Shabaab in sidoo kale khasaare dhaawac ah gaarsiiyeen ciidanka Itoobiya, islamarkaana ilaa Todobo gaadiidka dagaalka ah ay la wareegeen.

Ururka Al Shabaab gaar ahaan guutada jugta culus ayaa ku faanay inay madaafiic ay ku garaaceen saldhigga ciidanka Itoobiya ee Degmada Buurhakaba, halkaasi oo ay ku bartilmaameedsadeen ciidan gurmad ah.

Ciidanka la weeraray oo gurmadyo kala duwan ay soo kala gaareen ayaa bilaabay hawlgal ay ku raadinayaan Shabaabkii weerarka la eegtay, waxayna doonayaan inay ka aar gutaan Shabaab.

Ilaa hadda saraakiisha Itoobiya weli kama aanay hadlin weerarkan Mintidiinta Al Shabaab ay ku sheegteen inay ku dileen 57 askari.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in uu jiro Khasaare soo gaaray Ciidanka dowladda Itoobiya ee Qaraxa lala beegsaday.

Al Shabaab ayaa wadooyinka ay isticmaalaan Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda waxa ay u dhigaan qaraxyada Miinooyinka ee waxyeelada gaarsiiya Ciidankaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this