Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey weerarka ciidamada Itoobiya iyo dhaawacyo badan oo la geeyey magaalada…

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee mamaulka Koonfur Galabeed Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi la geeyay dhaawacyo badan oo ciidan Itoobiyaan ah.

Ciidankan ayaa ku soo dhaawacmay dagaal saaka ka dhacay inta u dhexaysa dagmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo oo halkaasi ku dhaxmaray Al-Shabaab iyo ciidanka Itoobiyaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawaca lageeyay xarunta taliska Amisom ee magaalada Baydhabo, si looga dabiibo dhaawacyada ay qabaan. Lama shaacin tirada rasmiga ah ee dhawacyada hase yeeshee waxaa la sheegay in dhowr baabuur lagu geeyey.

Dhanka kale ciidamo Itoobiyaan ah oo gurmad ugu socday halka dagaalku saaka ka dhacay yaa la kulmay miinooyin waddada lagu saasay, waxaana xigay dagaal toos ah sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in ciidamada Itoobiya ay ka dishay 57 askari.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya markii jabka uu gaaray ay dhibaato u gaysteen dad shacab ah oo ka agdhawaa halka dagaalku ka dhacay oo ay sheegeen in ay ahaayeen beeralay iyo xoola dhaqato.

Ciidanka Amisom ayaa dhibaato gaarsiiya shacabka Soomaaliyeed marka ay dhibaato kala kulmaan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowlada Soomaaliya iyo Amisom.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this