Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Itoobiya Oo Ansixiyay Sharci Xuquuq Dheerada U Ogolanaaya Qaxoontiga Ku Sugan Dalkaas.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Addis-ababa) Qaxootiga ku nool Itoobiya Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ansixiyay hindise sharciyeed u ogolaanayo qaxootiga ku nool dalkaasi inay helaan xuquuq dheeri ah.

7CDA8621-B35C-4367-B7CD-DA22AFA8CB6F.jpe

Waxyaabaha ku xusan hindise-sharciyeedka waxaa kamid in dad qaxootiga ee ku nool xeryaha qaxootiga inay xaq u leeyihiin in dalkaasi laga shaqaaleysiiyo iyo in carruurtooda ay wax ka bartan Iskuulada dowladda.

Hindise Sharciyeedka ayaa dhigaya in qaxootiga ay helayaan xoriyad ah inay tegi karaan meel kasta oo Itoobiya ka tirsan oo ay ka bixi karaan xeryaha.

Dalka Itoobiya waxaa ku nool in ka badan milyan qof oo kasoo qaxay dalalka deriska halka 2 milyan qof oo kasoo barakacay gudaha dalka ay ku nool yihiin xeryaha qaxootiga.

Hindise sharciyeedka ayaa waxaa kasoo horjeestay xildhibaanno aanan tiradoodu badneyn inkastoo qaar kamid ah ay muujinayaan walaaca ah in qaxootiga ay la wareegi doonaan shaqooyinkii loogu talagalay dadka Itoobiyaanka ah ee aanan wax shaqo heysan.

Waxaana la filaya in tallaabadan ay waddada u xaarto qorshaha dowladda Itoobiya ay ku dooneyso in dadka qaxootiga ah ay ka shaqeeyaan warshadaha dalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this