Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda MSF Oo Sheegtay In Kumanaan Qaxooti Naigeria U Dhashay U Soo Talabeen Dalka Cameron

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Cameron)Hay’adda samafalka caalamiga ah ee Médecins Sans Frontières MSF ayaa waxa ay sheegtay in kumannaan qof ay isaga qaxeen waqooyi bari waddanka Nigeria iyagoo u cararay dalka dariska ah ee Cameroon, kaddib markii uu Isniintii halkaasi ka dhacay weerrar argagixiso.

6EED15F9-DD49-4656-8830-D5383808DA58-102

Sida ay sheegayso hay’adda MSF, 8000 oo qof ayaa waxa ay isaga carareen magaalada Rann ee gobolka Borno kaddib markii ay halkaasi la wareegeen maleeshiyaadka.

Bayaan ay soo saartay Arbacadii ayaa MSF waxa ay ku sheegtay in dadkii weerrarka ka badbaaday ay bilaabeen inay lug ku soo gaaraan magaalada Bodo ee waqooyiga dalka Cameroon, kaddib weerrarkii Isniintii.

Dadkaas ayaa soo qaxay kaddib markii maleeshiyaadka ku sugan magaalada Rann ay gubeen guryo iyo bakhaaradda cuntada lagu kaydiyo.

Macluul daran oo ka taagan dalka
Ma ay kala cadda in weerrarka uu soo qaaday garab ka tirsan ururka Boko Xaraam ee gacansaarka la leh Daacish ama in kooxda kale ee uu hogaamiyo Abuubakar Sheekau.

Walow milaterigu uu sheegay inuu magaaladaasi dib u qabsaday maalintii Talaadadii, haddana MSF waxa ay rumaysan tahay in tirada qaxootiga ay gaari doonto 15,000 oo qof.

Magaalada Rann, oo hoy u ah dadka gudaha ka soo barakacay ee dalkaasi ayaa dhowr jeer la weerraray sanadkii tegay.

Maleeshiyaadka ayaa bishii Maarso waxa ay dileen saddex qof oo ka tirsan howlwadeennada gargaarka halka ay saddex kalana afduubteen; kuwaas oo laba ka mid ah ay markii dambe dileen.

Magaalada Rann ayaa waxaa markale la bartilmaameedsaday bishii Diseembar ee sanadkii aynu ka soo gudubnay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this