Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xooggan oo ka dhacay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar dabagal ah ku qaaday Kolanyo ay la socdeen ciidamada Itoobiya iyo milatariga Soomaaliya oo marayay duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Weerarka oo ku bilowday qarax nooca Miinada ah ayaa la sheegay inuu ka dhashay iska hor-imaad toos ah oo dhex-martay labada dhinac, taasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab oo baraha ay ku leedahay Internet-ka uga hadashay dagaalkaan ayaa sheegatay inay weerarkaan jidgalka ah ay ku dishay ku dhawaad 57 kamid ah ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka AMISOM.

Illaa iyo haatan ma jirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Itoobiya iyo maamulka gobolka ee hoos-yimaada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Kolanyada la wareeray ayaa kasoo baxday xero ay ku leeyihiin degmada Buurhakaba, iyaga oo kusoo wajahnaa magaalada Baydhabo ee xarun KMG maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

The post Dagaal xooggan oo ka dhacay gobolka Baay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this