Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka taagan Degaan hoostaga gobolka Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Sida ay ku waramayaa illo degaanka ah, waxaa degaanka Ceel-baraf oo hoos-taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka dhacay dilal salka ku haya Aannooyin qabiil.

Illaa iyo Lix qof ayaa la tilmaamay in xalay lagu dilay halkaas, iyadda oo la dhaawacmay shan kale.

Wararka ayaa intaas ku daraya inay taagan tahay xiisad ka dhalatay arrintaan, iyadda oo ay socoto isku hub-uruursasho.

Hasa yeeshee, waxaa barbar socda dadaalo la doonayo in lagu qaboojiyo oo ka kala imaaanaya dhinacyo kala duwan.

Wafdi ka socda dowlada dhexe ee Soomaaliya oo kasoo kicitamay dhinaca degmada Mahadaay ayaa la sheegayaa inay halkaasi kusii jeedaan.

Ma jiro wax war ah, oo ku aadan dilalkaan salka ku hayo Aanooyinka qabiil ee udhaxeeya labo Maleyshiyo beleed, oo kasoo baxay illaa iyo haatan maamulka HirShabelle iyo midka gobolka.

The post Xiisad ka taagan Degaan hoostaga gobolka Sh/Dhexe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this