Deeq A. Posted January 18, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Laamaha amniga ee dalka Kenya ayaa sheegay in 9 ruux ay usoo xireen tuhun ku aadan inay wax ka ogaayeen weerarkii lagu qaaday Hoteelka DusitD2 ee ku yaala Galbeedka magaalada Nairobi. Sirdoonka Kenya ayaa dadka lasoo xiray weydiiyay su’aalo ku aadan doorka ay ku lahaayeen, inkasta oo aysan wali soo bandhigin magacyadda shaqsiyaadka ku jira gacanta hay’addaha nabad-gelyada. Ku dhawaad 21 ruux ayaa la sheegay inay ku geeryootay weerarkaas lagu beegsaday Hoteelka, kaas oo ay mas’uuliyadiisa dhabarka ay saaratay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Booliska ayaa shalay tilmaamay in gudaha Hoteelka ay kasoo saareen haraadiga waxyaabaha qarxa, xili xukuumadu ay ku goodisay inay jawaab deg deg ah ay ka bixinayso duulaanka kooxda Al-Shabaab. Alshabaab ayaa weeraro ka geysta gudaha dalka Kenya,balse weerarkii hotelka Dust D2 ee todobaadkan ayaa ku soo beegmay sanad guuradii 3aad weerarkii Ceel cade oo lagu dilay askar badan oo ka tirsanaa Milatariga dalka Kenya. The post Kenya oo 9 qof uxirtay weerarkii Hoteelka Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites