Deeq A. Posted January 18, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa lagu waramayaa inay ku dhawaaceen Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada degmada Hodan ee gobolka Banaadir qaybo kamid ah degmadaasi. Gudoomiyaha oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen Hadafow ayaa la sheegay inay rasaasta ka haleeshay qaybaha sare ee Jirdkiisa, isaga oo loola cararay goobaha caafimaadka, halkaasi oo lagu dhabiibayo. Wararka ayaa intaas ku daraya in dhaawaca Gudoomiye Xuseen uu yahay mid halis ah, maadaama dhowr xabadood ay haleeshay. Kooxihii falkaan ka dambeeyay ayaa lasoo wariyay inay ka baxsadeen goobta ay wax ka dhaceen kahor inta aysan soo gaarin ciidamada amniga. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo ku aadan toogashadda lagu dhaawacmay Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada kamid ah degmadaasi. The post Kooxo hubeysan oo dhaawacay mas’uul ka tirsan D/Hodan appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites