Deeq A. Posted January 18, 2019 Afgooye (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xalay qabsaday suuq ku yaala degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dabka oo warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan waxa sababay ayaa la sheegay inuu geystay khasaaro baaxad leh oo mid hantiyadeed. Ku dhawaad 20 goobo ganacsi oo lagu iibiyo alaabta maacuunta ayaa lagu waramayaa inuu sameeyay Dabka. Dadka degaanka oo is-xilqaamay ayaa ku guuleystay inay baq-tiijiyaan Dabka, maadaama degmada iyo gobolka uusan lahayn gaadiidka dab-damiska. The post Khasaaraha dabka qabsaday Suuqa ku yaala Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites