Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan looga hadlay amniga oo ka dhacay Baraawe

Recommended Posts

Deeq A.   

Baraawe (Sh.M.Network) – Cabdifitaax Maxamed Nuur, gudoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa fahfaahin ka bixiyay kulan looga hadlay amniga oo ka qabsoomay degmadaasi

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay madax ka tirsan maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo saraakiisha ciidamada AMISOM, waxaana diirada lagu saari sidii loo adkayn lahaa nabad-gelyada.

Gudoomiye Nuur ayaa shaaciyay inay isku afgarteen qodobadii ay kawada xaajoodeen, isaga oo carabka u adkeeyay in amaanka degmada uu haatan yahay mid laysku halayn karo kuna shaqayno karo maamulka.

Dhowaan ayay ahayd markii degmada Baraawe uu tegay Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo sheegay inuu ka shaqaynayo sidii maamulkiisa uu ugu wareegi lahaa xaruntiisa rasmiga ah ee Baraawe.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/od.mp3

The post Kulan looga hadlay amniga oo ka dhacay Baraawe appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this