Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Karaash oo Baydhabo ku kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Baydhabo kula kumay madaxweyne ku xigeenka dowada Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii ay wada shaqeeyn lahaayeen Puntland iyo dowlada dhexe.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa uu madaxweyne Farmaajo la qaatay xubo kale oo katirsn madaxda madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balan qaaday in uu xoojin doono wadashaqeeynta madaxda maamul Goboleedyada iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Dhowaan magaalada Baydhabo waxaa ka dhacday xaflad lagu caleema saarayay madaxweyne cusub ee Koonfur Galbeed Lafta Gareen.

Waxaa xusid mudan in madaxweynayaasha Gal-Mudug iyo Jubbaland ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe aanay ka qeeybgalin xafladii caleemasaarka ee Baydhabo .

FB_IMG_1547787635404.jpg?resize=552%2C36

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho 

The post Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Karaash oo Baydhabo ku kulmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this