Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag Imaaraati ah oo laga masaafuriyey Somaliland kadib markii lagu qabtay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay hawlo ugaadhsi ah ka joojisay, islamarkaana cayrisay niman u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, oo dhawaan socdaal ku yimid Somaliland.

Raggan u dhashay Imaaraadka Carabta, ayaa waxay socdaal ku tageen deegaano ka tirsan gobalka Saaxil, iyadoo dalxiisayaal u muuqday, waxase la sheegay inay hawlo ugaadhsi dhinaca shimbiraha ah ka bilaabeen deegaanadaas.

Wararka ayaa sheegaya in ay hay’adaha ammaanka Somaliland ka joojiyeen hawsha ugaadhsiga, ka dib markii ay dadka deegaanku soo wargeliyeen ciidamada ammaanka.

Kooxdan oo uu weheliyay wakiilka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii ka dhoofay madaarka Cigaal iyagoo ay tiradoodu ahayd 18 ruux.

Inkastoo ay nimankani ka dhoofeen qolka VIP ee madaarka Hargeysa, haddana waxa la dareemayay in bixitaankoodu u muuqday qarbo-qarbo.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon, oo arrintan waxa laga weydiiyey ayaa yidihi “Anigu cid la mustaafiyey iyo cid kale ma aqaano, mana maqal cid xoog lagu mustaafuriyey,  laakiin waxa jiray nin Imaaraadka ah oo dalka joogay, oo arin yar  la isku afgaran waayey, ee ciddina ma mustaafurin, xoogna laguma mustaafurin, ee isaga ayaa iskii u tagay”.

Wasiirka oo la weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in nimankaasi ugaadhsanayeen qaar ka mid ah duur-joogta gobalka Saaxil, xukuumaduna ka joojisay, waxaanu Wasiir Faratoon yidhi  “Waxay doontaba ha noqotee, haddii uu ninkaasi tagay, isaga ayaa iskii u tagay, kolay Dawladdu xoog kumay mustaafurin, mana maqal”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this