Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog Dheeri ah oo laga helay raggii ka dambeeyay weerarkii magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xog dheeraad ah ayaa kusoo kordheysa weerarkii Al Shabaab ay ka geysteen hotelka DUsit ee magaalada Nairobi, kaasi oo dowladda Kenya ay sheegtay inay ku dhinteen 21 ruux.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in mid kamid ah ragii weeraray hotelka uu ahaa wiil uu dhalay askari Kenyan ah, kaasi oo aan la ogeyn sida uu kaga mid noqday kooxda Al Shabaab oo masuuliyada sheegtay.

Wiilka ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Saalim, waxaana la sheegay inuu kamid ahaa ragii hogaaminayay weerarka ka dhacay Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, kaasi oo Al Shabaab ay sheegeen inay ku dileen 47 ruux.

Waxaa la sheegay in Cali Saalim uu wax ku bartay kaniisad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, balse markii dambe uu ka badbaaday barashada Diinta Masiixiga.

Xaaskii uu qabay Cali Saalim ayaa xabsiga la dhigay, waxaana ku socdo baaritaano dheeri ah, iyada oo laga yaabay markii wiilka askariga uu dhalay falkaasi sameeyay.

Dowladda Kenya ayaa horey u shaacisay inay baaritaan ku sameyn doonaan dhamaan dadka uu galo raadka la xiriira weerarkii ka dhacay xaafadda Westland ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this