Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowladda oo xoog kusoo furanaya caruur ay afduubteen Al Shabaab & Dhaqdhaqaaqyo socdo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xudur (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabay inay qaadayaan weerar qorsheysan oo ay doonayaan iney kusoo daayaan caruur badan oo ay sheegeen inay afduubteen Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay ka warhayaan in ciidamada Alshabaab ay afduubteen caruur badan oo ay doonayaan inay askareeyaan ama lacag ku badashaan, islamarkarkaana ay kasoo furan doonaan.

Cabdulaahi Maxamuud Ugaas abaanduulaha ciidamada dowladda ee gobolka Bakool ayaa sheegay in caruurtaasi Al Shabaab ay ku hayaan deegaan u dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool.

“Waxaa la sheegay in 70 ka badan oo ciyaal ah inay ku heystaan meel sagaal KM inoo jirta, labo maalin ka hor ayay bilaabeen inay caruurta Afduubtaan, waxay ku gorgortamayaan Kun doolar, mana aqbaleyno in la dhiibo anaga ayaa soo furan doono”ayuu yiri abaan duulaha.

Wuxuu sheegay inay ciidamada hadda wadaan abaabul ay kusoo furanayaan caruurtaasi uu sheegay inay Al Shabaab qafaasheen.

“Waxaan balan qaadaneynaa meel kasta oo ay la aadaan inaan la aadi doono, waan ku raad joognaa, haddana ayaana bilownay dhaqdhaqaaqyada ciidamada ku doonayaan inay caruurtaasi kusoo furtaan”ayuu yiri Korneyl Ugaas.

Marka la yimaado hadalka saraakiisha ciidamada dowladda, waxaa deegaanka maalmihii ugu dambeeyay ka taagnaa cabasho ay muujinayeen dadka deegaanka oo ah in laga qafaalanayo Al Shabaab si lacag loogu helo caruurta.

Caasimada Online
Xafiiska K/Galbeed
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this