Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerarkii Al Shabaab ka fuliyeen magaalada Nairobi oo banaanka keenay xaqiiqo kale oo qarsooneyd

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Weerarada Qorsheysan ee Al Shabaab ay ka geystaan gudaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan ayaa la sheegayaa inay ka dhashaan cadaadiska ay kala kulaam reer Galbeed.

Duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ee la eegtaan Al Shabaab ayaa la sheegaa inay leeyihiin saameyn fog oo abuuri karta inay abaabulaan weeraro qorsheysan oo ay la eeganayaan saldhigyada ciidamada, hoteelada iyo meelo ka baxsan Soomaaliya.

Wargeyska Washington Post ayaa daabacay in marka laga yimaado weerarkii Al Shabaab ee dalka Kenya khasaaraha ka dhashay inay ka dhigan tahay, in AL Shabaab ay ka jawaabeen duqeymaha ay kala kulmaan Mareykanka.

Mareykanka ayaa sanadkii tagay duqemo badan la eegtay Al Shabaab waxaana la sheegay inay ka fuliyeen Somalia 47 Duqeyn, taasi oo ka badan sanadkii ka horeeyay ee 2017 oo lala eegtay inka badan 30 duqeyn.

“in kasta oo duqeymaha ay waxyeeli karaan awoodda Al-shabaab waqtiga dhow, laakin lama hubo sida ay uga hortagi karaan inay dib isu aruursadaan” sidaasi waxaa yiri Lauren Blanchard, oo ah falanqeeye ka howl gala  the U.S. Congressional Research Service.

Khubaro ayaa The Washington Post u sheegay in duqeynta ay cadaadis saareyso kooxda balse aaney meesha ka saari-doonin inay dib isu aruursadaan, saameynta fog ama weerarro qaadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this