Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa uraaya Maryo alool/ Maleeshiyaad?

Recommended Posts

Deeq A.   

بسم الله الرحمن الرحيم
اللهم ولي أمورنا خيارنا و لا تولي امورنا شرارنا يا رب العالمين.
MAXAA UARAYA??
MARYA ALOOL/ MELEESHIYA??
Madaxweynuhu wuxuu la mid yahay aabo baha badan leh oo bahina bah la baaxad ahayn lana baahi ahayn.
Waxaanu ilaah ku abaalariyaa sidaa uu ugu qasooraa
Waxaana ku waajib ah in bahina saloogin sida xeedhada loo wadaagayo.
Waxaa ku waajib ah inaanu bahna bah u maqal.
Waxaa ku waajib ah inuu bahaha wax boobaya kuwa laba gacmoodinaya kuwa hoosta wax ka siibaya kuwa meel laba bahood fadhiisanlahayd keligood fadhiistay iyo kuwa debada meeraya oo meel ay maraanba waayay iyo qaar weligoodba quus ahaa inuu cadaalad ku simo.
Tabashada Bahda West Burco Clan:
Beeshani si mug iyo miisaan leh aya gacan libaax ugu shirtay
Waxaa ka soo baxay go’aan Gobolada oo dhan laga soo dhaweeyay oo lagu amaanay.
Waxay samaysteen Guddi hormood ah oo loo xilsaaray inay la kulmaan ugu horrayn Madaxweynaha JSL. ayaga oo kala hadlidoona murtidii 8 qodob ee la goaamiyay.

DAREENKA KA DHASAHY INUU MADAXWEYNUHU LA SHIRIWAAYO GUDDIDII SHIKRA LAGA MAGAACAABAY EE UU LA SHIRO QAYB KA MID BULSHADII SOO MAGACAWDAY.
Kulankani wuxuu bulshadii West Burco Clan ugu muuqday inaan madaxweynuhu shirkii Bahda West Burco Clan , guddidii la magacaabay iyo go’aamadii ka soo baxay aanu midna tixgelin u hayn.
Shirkan balaadhani ay madaxdhaqameedku hogaaminayaan wuxuu cilmi ku fadhiyilahaa ayada oo ay Madaxweyanha iyo Guddidii Bahda West Burco Clan is mariwaayeen. Taasina sida la sheegay may dhicin waayo Guddidu way hadashay ayaga oo aad u diidan sida madaxeynuhu tasarrufay.
Haddaba halkee sartu ka qudhuntay?
Ma madax dhaqameedka ayaa ka dulbooday Guddiddi sharafta weyn lahayd ee shirka taariikhig ah laga magacaabay?
Ma madaxweynaha JSL ayaa guddida diidanoo sidan doortay?
Taasi waxay keentay in bahda West Burco Clan ay madaxweynaha ka qaataan dareen ah : TAA DOONTAAN MAAHA EE WAA TAAN DOONAA.
Waxaa run ah in awoodda fulineed ee qaranak ay madaxweynaha gaar u tahay. Ha yeeshee waxay bahaha somalilaand oo dhami ka simanyihiin isu tanaasulka iyo isqancinta: Xikmadda eebeheen siiyay bulshada JSL waxay salka ku haysaa:
WAAR YAADHAHEEN ITAAL KEENNI WAA KAA SIDAASAANA WAX IIGULA MUUQDAAN EE MAXAY IDINLA TAAHAy. Waxaa hubaal ah in qof waliba isga oo raaliya oo qanacsan uu albaabka ka bixilahaa. Xikmadddan Waata Somaliland ku caana maashay ee ay cidwalba dheertahay ee ay dhiidhiwalba kaga baxdo.
Dhibaatooyinka Jira:
Shirkii gudidaa sharafta mudan la iska baydhiyay waxaa loo qaatay iska horkeen bahdan West Burco Clan.
Mujaahidkii weynaa ee Maxamed Abdilqaadir ma dhabaa Caarruu ku beeray?
WAR HASHU MAANKAYGI GADEE MA MAANSAARBAY LIQDAY .
SIDEEBAAN U RUMAYSTAA:
Madaxweynaha JSL Mudane Muse Bixi Abdi oo ka mid ahaa sarakiishii dalkan naftooda u horay ee dhib waliba ka soo martay
ee dhaqanka ummaddiisa aan cidi uga aqoon badnayn
ee aan arkay isaga oo hadalku ku dhego oo ilmo iska duugaya markuu ka sheekaynayo mujaahidiinta shaheedday Iyo goobaha la isku weeraray.
Ayaa mabda’ ka dhigtay kala dhawayso bahahan aad sidii waalidkood xilkooda ilaah ku saaray . Hadday dhab tahay WAA IF IYO AAKHIRO SEEG ,HADDII KALENA WAXBA KU QAADANMAYSO XALINTOODU.
Ma waxaan rumaystaa kala qaybsanaantii SNM ta iyo dhacdooyin ka dambeeyay ayaa raadad kaaga sii hadhsanyihiin adiga oo ah Madaxweynaha JSL?.
Maxay tilmaamaysaa,Madaxweyne, Mujaahidkii weynaa ee Casayr Abdilqadir baa Jabhaddii Caarre taageeray waqti JSL u halgamayso ictiraaf raadin??
Isfahamkii axsaabta siyaasadeed maxaa adkeeyay?.
Madaxweyne ninka ka soo horjeesta ee xikmaddan hoose ku qanciwaayaa isagaa xun dibna aan wax loo weydiinayn.
Haddii se ay adiga oo Madaxweyna ay kugu adkaato inaad bahahan ilaahay madaxda kaaga dhigay aad sidan oo kale u qanciso oo aad ficiltanto ama aad hansalba ka qaadiweydo WAXAAN ISLEEYAHAY WAA WAX QARANIMADEENAN CURDINKA AH EE CADAWGA BADAN LEH AAD U WIIQIKARTA.
Waa inaad qofwalba uga baqasho badataa ilaalinta danta qaran ee JSL. Taageero igu filan , dood iyo dagaalba, waan haystaa oo cidii I raaciweydana dani igama hayso cilmi iyo caqlitoona kuma fadhido.
Xikmaddan hoose waa mid eebeheen inagu guulaystay.
“WAAR YAADHAHEEN WAXAA I WEYDIISEEN WAA WAXAA ITAAL KEENINA WAA KAA, SIDAASAANA WAX IIGULA MUUQDAAN EE MAXAY IDINLA TAHAY”
Madaxweyne bal xikmaddan sare MAAD ku tijaabi Guddida West Burco Clan ee lagu soo magaacaabay shirkii baalaadhnaa ee taariikhiga ahaa ee Gacan libaax.
Waxaan filayaa in dhibaatooyinka jira ay dhamaantood hal u tahay.
Waxaanan filayaa inaan waddadaa waddo aan ahayn aan xal waara lagu gaadhayn. Waxaan filayaa wasiiro cusub oo la magacaabo ama si kale hoos hoos oo rag loola kulmaa inaanay manta waxba tarayn.
Wa billahi towfiiq.
Xil. Hussein Ismail Yusuf.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this