Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Cawad oo la kulmay safiirka UK xilli xiisad xooggan ay jirto

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay maanta Muqdisho safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya, David Concar.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, kulanka ayaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo habkii loo xoojin lahaa dhinacyo kala duwan.

Waxaa sidoo kale la sheegay inay ka hadleen arrimaha gobolka iyo dunida inteeda kale oo ahaa wax labada dal muhiimad u leh.

Kulankan ayaa yimid xilli ay xiisad xooggan ka dhaxeyso Somalia iyo UK, islamarkaana xiriirka labada dal uu joogo meel aad u hooseysa. Xiisaddan ayaa ka dhalatay xarigii Roobow iyo cayrintii Soomaaliya ay ku sameysay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa sababay in UK ay joojiso safar la qorsheeyey in wasiirka difaaca dalkaas Gavin Williamson uu ku tago magaalada Muqdisho.

Williamson waxa uu la kulmi lahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda, hase yeeshee UK ay baajisay safarkaas ayada oo u muujineysa Muqdisho, sida aysan ugu qanacsaneyn go’aanka lagu cayriyey Haysom.

Williamson ayaa taas beddelkeeda booqday magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Britain ayaa golaha ammaanka ee QM hor-dhigtay bayaan la isku raacay oo golaha uu ku muujiyey sida uu uga xun yahay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay Haysom.

50182964_2271936223051927_39378389013217 49898514_2271936409718575_71959668268183 50155038_2271936443051905_31999051254936 50234237_2271936456385237_90082634488526

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this