Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka DF oo sababo yaab leh uga walaacsan gaadiidka ay Qatar siisay DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka dowladda Soomaaliya ayaa siyaaba kala duwan walaac uga muujiyey gaadiidka dowladda Qatar ay maanta ku wareejisay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa xildhibaan Cabdifataax Daahir oo ah afhayeenka Kudlada Badaado ee baarlamanka waxa uu cabsi ka muujiyey in gaadiidkan loo adeegsado in lagu caburiyo mucaaradka dowladda.

“Waxaan dowladda Qatar ku amaanayaa inay Soomaaliya siisay baabuurtan gaashaaman ee aadka loogu baahnaa, waxaanse ku boorinaa inay caddeyso in mashiinadan dagaalka loogu talo-galay kaliya ujeedooyin milatari ee aan lagu caburin kuwa siyaasad ahaan ka aragti duwan madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri xildhibaanka.

I commend the Qatari government for giving Somalia a badly needed armored vehicles but I urge them to clarify that these fighting machines are only intended for military purposes and not for suppressing those who politically differ with President Farmajo.

— Abdifatah Tahir (@AbdifatahTahir) January 17, 2019

Dhinaca kale, hogaamiyaha xsbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna walaac ka muujiyey in gaadiidka ay gacanta u geli karaan kooxda Al-Shabaab.

“Maqnaanshaha hami siyaasadeed iyo kartida si wax ku ool ah loogu hir-geliyo ka hor-tagga maal-gelinta argagixisada iyo fikradaha xagjirka ah ayaa ah walaaca. Waxaan rajaynayaa in tani [Gaadiidkan] aysan ku dhicin gacanta Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka oo la raaciyey sawirrada munaasabaddii gaadiidka lagu wareejiyey.

Lack of political will and capacity to effectively enforce counter-terrorism funding of radical ideology and extremism is the cause of concern. I hope this shouldn’t fall in the hands of Alshabab and other extremist groups. pic.twitter.com/88ilCWi2OQ

— Abdirahman Abdishakur (@AAbdishakur) January 17, 2019

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this