Sign in to follow this  
Deeq A.

Taxanaha Cadawga Rasmiga ah ee Somaliland By Amb.Safiina

Recommended Posts

Deeq A.   

TAXANAHA_CADAWGA_SOMALILAND

Qormada 1AAD

IMG-20181107-WA0002-259x300.jpg

Cadawga u wayn ee Somaliland leedahay waa qaybiyaha shacabka Somaliland, Waa dadka yar ee kooban ee u haysta in qayb shacbka Somaliland kamida ah yihiin cadawga Somaliland.

 

Masuul Maxaa inoo diiday inaynu hiigsano in 2022 Somaliland ka dhigno (0) problem oo cadaw kasta oo Somaliland leedahay ka dhigno saaxiib dhaw.

 

Ceebtu cadwga maaha ee waa ninka cadawga samaysta, Maxaa kuu diiday inaad ka shaqayso in shacabka Somaliland gacmaha isu saarto, Maxaa kuu diiday inaad hadaf iyo hiigisi yeelato, Maxaa kuu diiday inaad Somaliland saaxiibo wacan u samayso, Maxaa ina canda-dawlay ee xikmadii inaga qaaday.

 

Cudurka kaa gala fardaha

Haddii laga gubo dameer

Dawada lama gaadhayee

Anoon weli kuu ged bixin

Geed dheerbay saarantee.

 

1960kii dadkii daganaa gudaha xuduuda Somaliland waa muwaadiniin xaq, xurmo, xusuus, iyo xuquuq ku leh dalka, Waa muwaadiniin jecel dalkooda oo u baahan hagid suuban iyo toosin wacan.

 

Masuulka ama Wasiirka loo idmaday xil-qaran iyo hagida shacabka, ee ku fashilmay xilkaa iyo walaalaynta bulshada, intaanuu noqon CADAWGA SOMALILAN iyo eedeeyaha shacabka, HAKA DAGO XILKA DALKA. Alaa mahd leh.

 

Amb Ahmed Safiina

 

Lasoco #TAXANAHA_CADAWGA_SOMALILAND

Qormada 2AAD.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this