Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Qorsheynayey Inuu Weeraro Aqalka Cad Ee Maraykanka Oo La Xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Cumming)-Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa xidhay nin la tuhunsan yahay inuu taageero kooxda Daacish, oo sida la tuhmayo qorsheynayey inuu gantaallada lidka taankiyada ku weeraro Aqalka Cad ee Mareykanka.

Ninkan oo lagu magacaabo Hasher Jallan Taheb oo degan magaalada Cumming ee gobolka Georgia, ayaa wakiilada FBI-da waxay arbacadii ku xidheen meel u dhow magaalada Atlanta.

Waxa uu wajahayaa dacwad federal oo ah inuu isku dayey inuu burburiyo ama waxyeeleeyo dhisme ay leedahay dowladda Mareykanka, isaga oo adeegsnayaa waxyaabaha qarxa.

FBI-da ayaa xirtay Hasher Jallan Taheb isaga oo isku dayay inuu baabuurkiisa waxyaabaha qarxa uga bedesho nin si qarsoodi ah ugu shaqeynayey FBI-da.

Baarayaasha ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan jirin wax tilmaam ah oo muujinaya in Taheb uu ka tirsan yahay urur argagixiso.

Sida ay sheegtay dowladda, qof yaqaana Taheb ayaa booliska u dusiyey sanadkii tagey in Taheb uu noqday xagjir, islamarkaana qorsheynayey inuu safro.

Booliska ayaa kadib ku war-geliyey FBI-da, waxaana Taheb sida la tuhunsan yahay uu wakiil ka tirsan FBI-da oo qof kale isaga dhigay u sheegay inuu doonayo inuu iibiyo baabuurkiisa, si uu helo lacag uu ku aado dhulka ay maamuusho kooxda Daacish.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu wakiilka u sheegay inuu doonayey inuu weeraro Aqalka Cad, Taallada Statue Liberty, iyo Taalla Lincoln Memorial.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this